Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay carruurta Eng. Maxamed Cumar Saalixi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay qaar ka mid ah ubadka Marxuum Maxamed Cumar Saalixi oo laf dhabar u ahaa guushii aan ka gaarnay kiiskii dacwadda badda.

Faysal Maxamed Cumar Saalixi, Faadumo Maxamed Cumar Saalixi iyo Ismaaciil Maxamed Cumar Saalixi ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay maamuska uu u sameeyay, iyaga oo xusay ahmiyadda ay u leedahay guusha taariikhiga ah, ee aynu ka gaarnay kiiska dacwadda badda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in halyeey Maxamed Cumar Saalixi, uu ku suntanyahay baal dahab ah, wadaniyad, dal jaceyl iyo ilaalinta hantida qaranka, waxa uuna xusay doorkii uu ka soo qaatay dowladnimada iyo horumarinta dalkeenna.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com