Qarax xoogan oo ka dhacay Saldhigga Booliska Beledweyne

Faah faahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo galabta ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay maqaaxi ku dhex taala gudaha Saldhigga Booliska Beledweyne, uuna u muuqdo miinada nooca meelaha fog fog laga hago.

Qaraxa ayaa lala beegsaday Saraakiil iyo masuuliyiin fadhiyay maqaaxida la bartilmaameedsaday.

Inta laga warqabo laba qof ayaa ku dhintay qaraxaas, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Duqii Degmada Feerfeer ee Gobolka Hiiraabn, Khaliif Garaad Rooble iyo gabar ka tirsaneyd Ciidanka Booliska, ay yihiin labada qof ee qaraxaasi ku dhintay.

Taliyaha Saldhigga Booliska Beledweyne, Maxamed Maxamuud Qoorsheel ayaa sidoo kale ka mid ah dadka ku dhaawacmay qaraxaasi.

Maamulka Gobolka Hiiraan, kan degmada iyo Saraakiisha laamaha amniga ayaan weli ka hadlin qaraxan ugu dambeeyay ee ka dhacay Beledweyne.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, waxaase lala xiriirinaya maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com