Turkiga oo Xukuumadda Rooble ka caawinaya miisaaniyadda doorashooyinka

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Turkiga ee dalka, Amb. Mehmet Yilmaz.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, mashaariicda horumarineed ee Turkigu ka wado dalka iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

“Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah, mashaariicda horumarineed ee Turkigu ka wado Somaliya & arrimaha doorashooyinka dalka.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Turkiga uu Xukuumadda Rooble ka caawinaayo miisaaniyadda ku baxaysa doorashooyinka soo foolka leh, kulankana si dhow looga hadlay arrimahaasi.

Jooggitaanka Turkiga ee dalka waxay muhiim u tahay Dowladda Federaalka, oo uu ka caawiyo tababarada ciidamada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo xoojinta nidaamka dowliga ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com