Wafdigii Somaliya oo ka soo laabtay Magaalada The Hague (SAWIRRO)

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay wafdigii Somaliya kaga qaybgalay kiiska dacwadda badda, ee toddobaadkii hore lagu soo geba-gabeeyay Magaalada The Hague ee dalka Netherlands.

Wafdigan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdigan, oo uu hoggaaminayay Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Mahdi Guuleed ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta diiran ee loogu sameeyay Caasimadda Muqdisho, isagoo dhinaca kalena sheegay in wafdigiisa ay marqaati u ahaayeen guusha ay Somaliya ka gaartay kiiska badda.

“Waxaa aan ka mahadcelinayaa soo dhaweynta ballaadhan ee naloo sameeyay aniga iyo wafdigii ka soo laabtay fadhigii Maxkamada Cadaalada Adduunka (ICJ) ee qabsoomay 12-kii October 2021. Waxa aan marqaati u ahayn guusha weyn ee ay Somaliya ka gaadhay kiiska baddeenna.” Ayuu yiri Mahdi Guuleed oo warkan ku sheegay bartiisa Twitter-ka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com