Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa ka qaybgalay munaasabad lagu dhaarinayay Gugdiga Adeegga Garsoorka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee dhowaan Madaxweynaha uu magaacabay.

Madaxweynaha ayaa Guddiga Adeegga Garsoorka kula dardaarmay inay si cadaalad ah u gutaan waajibkooda shaqo, ayna u cadaalad falaan bulshada.
“Dowladnimadu bilowgeeda iyo aasaaskeeda waa garsoor iyo cadaalad, haddii cadaalada iyo garsoorka uu galo walaac, baqdin iyo shaki oo uu istaagi waayo dowladnimadu ma istaagto. Waxaan u baahanahay dadka reer Koonfur Galbeed meel weliba ay jooggaan inay cadaalad helaan, xukunkan iyo Dowlada Koonfur Galbeed-na ay ka helaan dadka hormuudka u noqonaayo oo la rabo inay ka shaqeeyaan waa idinka. Waxaan idinkula dardaarmayaa inaad howshaas si cadaalad ah aad ugu adeegtaan bulshada.”
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Guddiga u rajeeyay in Alle uu la garab galo, una fududeeyo howsha adag ee loo igmaday.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com