Hal toddobaad ayaa laga jooggaa, tan iyo markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ay bilaabeen inay u jiheystaan dhinaca Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Labada ciidan ayuu qorshahoodu yahay inay magaalada ka saaraan Xoogaga Ahlu Sunna, oo 1-dii bishan bilaa dagaal kula wareegay gacan ku haynta magaaladaasi.
Ciidamada ayaa la soo sheegaya inay ku sugan yihiin goob aan ka fogayn Tuulo Sadiiq, oo hal habeen ka hor ay gaareen. Tuuladan ayaa ku taala jidka u dhaxeeya Guriceel iyo deegaanka Ceeldheere, oo 30km dhinaca koonfureed kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb.
Hawlgalka ciidamada oo gaabis badan uu ka muuqanayo ayaa loo aaneynayaa, iyadoo Xoogaga Ahlu Sunna la tuhunsan yahay inay ka ag-dhow yihiin goobaha ay ciidamada ku safrayaan.

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa lagu arkayaa gudaha Magaalada Guriceel iyo wadooyinka soo galaba, iyagoo sidoo kalena bannaanada magaaladaasi ka sameystay dhufeysyo waaweyn.
Colka ku sii jeeda Guriceel ayaa dadka deegaanka ku khasbay in intooda badan ay isaga barakacaan guryahooda, iyagoo gaaray miyiga fog ee Guriceel.
Sidoo kale waxaa hakad-galay goobihii waxbarashada iyo ganacsigii ka jiray magaaladaasi, sababo ku aaddan dadka oo ka baxsanaya in lagu dul dagaalamo.
Cabdulqaadir Jaamac Tarabi oo ka mid ah Maamulada Iskuulada Guriceel ayaa sheegay in xiisadda ka taagan gobolka ay saamayn weyn ku yeelan doonto, kaalmihii hore ee ardayda Galmudug ka geli jireen Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dowladda Federaalka qaaddo.
Sida uu sheegay Guriceel iyo bannaanadeeda waxaa ku yaala illaa afartan iskuul, oo ay wax ka baraneysay toban kun oo arday, arrinta walaaca ku haysana ay tahay hubinta la’aanta ka jirta gobolkaasi.
“Inkastoo hadda waqti kooban ay tahay waqtiga waxbarashada hakadka ku jirto, laakiin midda walwalka nagu haysaa waxay tahay waqtiga ay dhammaanayso colaaddaan ayaynaan garanayn.” Ayuu yiri Cabdulqaadir Jaamac Tarabi oo la hadlay BBC.
Odayaasha Dhaqanka ee Galmudug ayaa in badan ka digay xiisadda ka jirta gobolka, iyadoo ay qaarkood ku baaqeen in wada hadalo lagu dhammeeyo, waxaase mooddaa in dhegaha laga fureystay baaqyadoodaasi, inkastoo Hoggaanka Ahlu Sunna ay sheegeen inay diyaar u yihiin wada hadalo ay la galaan Galmudug, dagaal-na aanay doonayn in lagu khasbo mooyee.
Khubarada dhinaca amniga ayaa sheegaya, haddii aan laga baaqsan dagaalkan in uu galaafan doono nolosha dad badan. Khubarada ayaa ku talin lahaa in Galmudug iyo Ahlu Sunna iska kaashadaan la dagaalanka Shabaab, bedelkii ay dhexdooda dagaalami lahaayen.
Maleeshiyada Shabaabka ayaa weli Gobolada Dhexe kaga sugan deegaanadii ay horey ugala wareegeen Galmudug.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com