Madaxweyne Cagjar oo mar kale xilka loo dhaariyay shanta sano ee soo socota

Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa loo doortay inuu hoggaamiyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya shanta sano ee soo socota. Madaxweynaha ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay xilkan hayay.

Madaxweynaha ayaa cod aqlabiyad ah oo gacan-taag ah waxaa ugu codeeyay xubnaha Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxaana sidoo kale Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Deegaanka Soomaalida loo doortay Ibraahim Cusmaan Faarax.

Madaxweyne Cagjar ayaa isla maanta xilka loo dhaariyay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com