Wafdi ka socda Guddiga Doorashooyinka oo gaaray Magaalada Gaalkacyo

Xubno isugu jira Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal iyo Galmudug ayaa maanta gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Xubnahan ayaa waxaa horkacayay Afhayeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Axmed Safiina.

Magaalada Gaalkacyo waa goobta labaad ee loo asteeyay in lagu qabto Doorashada Xildhibanaanada Galmudug ku metelaya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Xubnaha labada guddi ayaa Gaalkacyo u tagay dardargelinta wejiga labaad ee Doorashada Baarlamaanka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com