Alle ha u naxariistee waxaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho lagu aasay Xaaji Suudi Yalaxow, oo ah aabaha dhalay Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.
Marxuumka oo maalmihii ugu dambeysay ku xanuunsanaa Magaalada Muqdisho ayaa maanta ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer.
Aaska Xaaji Suudi Yalaxow ayaa waxaa ka qaybgalay Xildhibaano, Senatoro, Siyaasiyiin, Odayaal Dhaqameedyo, Waxgarad, qoyskii iyo eheladii uu ka baxay.
Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow Ibraahim oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, oo ka qaybgalay aaskaasi ayaa yiri “Waxaa galabta gurigiisa saxda ah gaynay Xaaji Suudi Yalaxow oo maanta ku geeriyooday Isbitaalka Ex Digfeer, waxa Alle (SWT) uga rejeynayaa inuu Janatul Firdowsa ka waraabiyo, qabrigiisana u waasiciyo, waana meel loo wada socdo.”
Xildhibaan Carabow ayaa Senator Muuse Suudi Yalaxow kaga tacsiyadeeyay geerida ku timid aabihii, isagoona ku samir siiyay in halkaasi loo wada socdo.
“Waxaan muruga la qaybsanaya qaraabada, gaar ahaan Senator Muuse Suudi Yalaxow, samir iyo iimaan Allah naga wada siiyo.” Ayuu yiri Xildhibaan Carabow.




Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com