Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalo madaxda dalka Togo ee Lome.
Wafdiga Madaxweynaha Turkiga ayaa xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Xarunta Madaxtooyada ee dalkaasi, iyadoona uu ku qaabilay Madaxweyne Faure Gnassingbe.
Labada Madaxweyne ayaa yeelan doona kulan gaar ah, ka dibna waxaa dhici doona kulan guud, oo ay ka qaybgelayaan Wasiirada labada dal, waxaana lagu wadaa in shirarkaasi ka dib ay kala saxiixdaan labada dal heshiisyo dhanka ganacsiga, amniga iyo waxbarashada.
Sidoo kale Madaxweyne Erdogan ayaa Caasimadda Lome kulan kula leh Madaxweyne-yaasha dalalka Liberia, George Manneh Weah iyo Burkina Faso, Roch Marc Christian Kaboré, kuwaa oo sidoo kale maanta gaaray dalkaasi.
Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Turkiga ayaa toddobaadkan booqasho ku maraya dalalka kala ah Angola oo Isniintii uu tagay, Togo iyo Nigeria oo socdaalkiisa uu ku soo geba-gabeen doono.





Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com