Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya oo la kulmay R/wasaaraha Kuwait

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo booqasho ku joogga dalka Kuwait ayaa kulan la qaatay Ra’iisal Wasaaraha Dalka Kuwait, Sheekh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah. Kulanka intii uu socday ayaa looga hadlay xiriirka labada dalka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya ayaa la kulmay dhiggiisa dalkaasi, Dr. Axmed Nasser Al-Mohammed Al-Sabah. Labada dhinac ayaana ka wadda hadlay iskaashiga iyo xariirka labada, iyagoo dib u eegis ku sameeyay horumaraddii ugu muhiimsanaa ee ka dhacay fagaarayaasha Gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com