Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Safiirka cusub ee Shiinaha

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa gelinkii dambe ee maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub Shiinaha ee dalka u joogga, Amb. FEI Shengchao.

Kulanka ayay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka labada geesoodka ee labada dowladood iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Shiinuhu ka wado dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 7-dii bishii September waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjire FEI Shengchao.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com