Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta soo xiray kulan wadareedka dardargelinta hiigsiga maamulka, oo socday muddo saddex maalmood ah.
Kulankan oo ahaa mid Golaha Wasiirada ay ku qaada dhigayeen hiigsiga iyo qorsheyaasha maamulka ayaa waxaa lagu jaangooyay in is bedel muuqda lagu sameeyo shaqooyinka iyo howlaha, ay hormuudka ka yihiin wasaaradaha kala duwan ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Madaxweynaha oo kulanka soo xiray ayaa tilmaamay in loo baahan yahay dhammaan qorsheyaasha halkan lagu gaaray in si dardar leh loogu bedelo shaqooyin joogto ah, oo lagu bari-taaro shaqada ay hayaan wasaaradaha.
Waxaa Madaxweynuhu uu intaas ku daray in muhiimadda kulankan ay tahay in wax laga bedelo hanaankii hore ee wasaaradaha ay ku shaqayn jireen, isla-markana isla xisaabtan joogto ah lagu sameeyo howlaha baaxadda leh ee wasaaradaha ay qabtaan.
Madaxweynahu ayaa sheegay in guddiga shaqada iyo shaqaalaha ay masuuliyad ka saaran tahay la xisaabtanka shaqaalaha dowladda, iyadoo la hubinayo habsami u socodka shaqada iyo joogtaynta gudashada waajibaadka cid walba saaran.










Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com