Qoysaska ka barakacay Guriceel oo xaalado adag ay la soo deristay

Qoysaska faraha badan ee ka barakacay Magaalada Guriceel ayaa la soo sheegaya in xaalado adag oo nololeed ay ku wajahayaan deegaanada ka baxsan magaaladaasi.

Inta badan qoysaskan ayaa toddobaadkii hore isaga qaxay magaalada, ka dib markii uu soo baxay warka sheegaya in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ay ku wajahan yihiin magaaladaasi.

Qoysaskan oo qaarkood gaaray deegaanka Ceelbaraf ee Koonfurta Guriceel ayaa ka cabanaya hoy iyo baad la’aan, qaybtoona waxay ku hooyanayaan guryo ka sameysan cawshado.

Xoriyo Aadan Xaashi oo ka mid ah hooyooyinka halkaasi u barakacay ayaa sheegtay inaanay haysan goobo ay gabaad kaga dhigtaan roobabka halkaasi ka da’aya.

Xoriyo Aadan waxay kaloo sheegtay in hooyooyinka umulaya ay adag tahay inay halkaasi ka helaan adeegyadii caafimaad, ee ay u baahnaayeen.

Xaaladda adag ee nololeed ee laga soo sheegayo deegaanka Ceelbaraf waxay mid lamid ahi ka jirtaa deegaanada kale ee dadkii ka barakacay Guriceel ay gaareen.

Warsame Maxamed Faarax oo ka mid ah dadka fara ku tiriska ee ku haray Guriceel ayaa sheegaya inaanan sidaan oo kale horey looga barakacin magaalada, soddonkii sano ee la soo dhaafay.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ayuu ujeedkoodu yahay inay Magaalada Guriceel ka saaraan Xoogaga Ahlu Sunna, oo 1-dii bishan la wareegay gacan ku haynta magaaladaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com