Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay wafdi ka socday dalka Sweden

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dalka Sweden.

Wafdigan oo uu hoggaaminayo Wakiilka Gaarka ah ee Hay’adda Caafimaadka Guud ee Sweden, Johan Carlson ayaa maalmahaanba boqasho ku joogay Magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa warbixin ku saabsan wada shaqaynta caafimaad ee labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa waxa uu ka dhageystay Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda, Foosiyo Abiikar Nuur iyo Wakiilka Gaarka ah ee Hay’adda Caafimaadka Guud ee dalka Sweden.

Khubarada ka socotay Hay’adda Caafimaadka Guud ee Sweden ayaa booqday goob loo asteeyay in loo dhagax dhigo Machadka Caafimadka Qaran ee Soomaaliya, iyagoo shirar kala duwan la qaatay khubarada Wasaaradda Caafiamadka Soomaaliyeed, oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasaaraddaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com