Rooble “Waa wax laga xumaado falkii argagixisada ku gubeen raashiinka”

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyay, wax laga xumaadana ku tilmaamay falkii kooxda argagixisadda Al Shabaab ay ku gubeen gubeen raashin iyo hanti ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed ee duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa yiri ”Waxay tani tusaale u tahay in kooxdani meesha ugu fog ka gaartay naxariis darrida iyo u turid la’aanta dadka iyo xayawaankaba, falalka noocan ahna waxay soo taxnaayeen sanado badan oo ay kooxdu go’doomin ku haysay Waajid iyo deegaanno kale.”

“Waxaan ammaanayaa Ciidammada Xoogga ee u gurmaday dhibaneyaasha. Waxaa nala gudboon in aan meel uga soo wada jeesanno cadowgan nolosha u diiddan dadkeenna.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com