Afar Senator oo maanta lagu doortay Magaalad Kismaayo

Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa maanta Magaalada Kismaayo ku doortay afar Senator, kuwaa oo ku biiraya Senatoradii 29-kii bishii July lagu doortay magaaladaasi.

Illaa sideed musharax ayaa ku tartamayay afarta kursi ee Jubbaland uga harsaneyd Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, oo metelaad ahaan ay ku leedahay illaa sideed kursi.

Shan ka mida musharaxiintaasi waxay ahaayeen haween, iyadoo laba kursina ay si gaar ahi ugu tartameen haween oo keliya.

Xasan Daahir Yarow ayaa ku guuleystay kursiga shanaad, ka dib markii uu tartanka kaga adkaaday Cali Maxamed Cali.

Ibraahim Awgaab Cismaan ayaa isna ku soo baxay kursiga lixaad, iyadoo ay kursigaasi kula tartameysay Farxiya Macalin Cabdi.

Layla Nuux Maax iyo Xareedo Maxamed Sheekh oo ku tartamay kursiga toddobaad ayaa waxaa ku soo baxday Layla Nuux Maax.

Kursiga ugu dambeeya ayaa waxaa ku guuleysatay Maryan Faarax Kadiye, taa oo ka guuleysatay Zamzam Maxamed Bishaar.

Tani ayaa ka dhigan in Maamulka Jubbaland uu si rasmi ah u soo dhameystiray Doorashada Senatorada Aqalka Sare.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com