Galmudug oo loogu baaqay inay sii deyso odayaasha ku xiran Dhuusamareeb

Ciidamada Booliska Galmudug ayaa xalay Magaalada Dhuusamareeb ku xir xiray tiro odayaal ah, ka dib markii Arbacadii shalay ay ku baaqeen inaanan la weerarin Magaalada Guriceel.

Odayaashan ayaa qaarkood maalmihii u dambeysay Magaalada Dhuusamareeb u tagay in laga baaqsado dagaalkaasi, sababo ku aaddan iyagoo u arkayay mid aan wax dani ah ugu jirin dadka reer Galmudug.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in Ciidamada Booliska ay odayaashaasi ku xireen Saldhigga Booliska Dhuusamareeb, iyadoo maamulkuna aanu weli ka hadlin xarigooda.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxtooyada Galmudug ay odayaashaasi u tirinayso safka Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe.

Suldaan Mahdi Suldaan Cabdirisaaq oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Galmudug ayaa maamulka ka codsaday in xorriyadooda dib loo siiyo odayaashaasi.

“Odayaasha iyo Waxgaradka ka hadlay Dhuusamareeb ee baaqa nabadeed jeediyay ee la xiray waxaan codsanayaa in si deg-deg oo shuruud ah loo sii daayo, maxaa yeelay wax aan culeys iyo caqabad ahayn ma kordhinayso dad la xiro iyo dad la caburiyaba.” Ayuu yiri Suldaan Mahdi Suldaan Cabdirisaaq oo Universaltv la hadlay.

Waxa uu intaa ku daray “Caburin maanta looma baahna ee waxaa loo baahan yahay ummadda inay is qanciso oo la wada hadlo, oo waxa ka dhaxeeyo ay ka wada hadashee, qori caaraddiis, xarig iyo amar ku taaglayn waxay maanta tarayso, lama arko.”

Soo rogaalcelinta Xoogaga Ahlu Sunna ayaa xiisad ka abuurtay Gobolada Dhexe, xilli dalku uu ku jiro waqti doorasho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com