Golaha Wasiirada Jubbaland oo ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2022

Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa ansixiyay miisaaniyadda 2021-2022 oo gaareysa in ka badan 40 milyan oo dollar, ka dib markii kulan aan caadi ahayn ay ku yeesheen Magaalada Kismaayo.

Kulankan oo uu shir gudoominayay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayay goluhu dood dheer ka yeesheen miisaaniyadda sanadka soo socda, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda & Horumarinta Dhaqaalaha, Xuseen Xirsi Axmed ayaa golaha la wadaagay horumarka dhinaca wax soo saarka iyo dib-u-dhiska dhanka dhaqaalaha, kaasi oo  wax badan ka bedeli doona xaaladda deegaanka, sanadaha soo socda.

Wasiirka ayaa sheegay in kobaca dhaqaalaha iyo wax soo saarka Jubbaland uu sanadka soo socdaahi uu gaari doono 60%, taas oo ka mid ah yoolasha ay wasaaraddiisu hiigsanayso.

Miisaaniyadda sanadka 2022 ayaa gaaraysa 40,301,997.05 oo dollar, waxayna ka kala imaanaysaa dhinacyo kala duwan, sida ay sheegtay Madaxtooyada Jubbaland.

May be an image of 3 people and people standing
May be an image of one or more people, people standing, people sitting and indoor
May be an image of 1 person, beard, sitting and indoor
May be an image of 1 person, sitting and indoor
May be an image of 5 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 1 person, sitting and indoor
May be an image of 3 people and people standing
May be an image of 1 person, sitting and indoor

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com