Suldaan Mahdi Suldaan Cabdirisaaq “Xalka Guriceel ma ahan dagaal”

Suldaan Mahdi Suldaan Cabdirisaaq oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Galmudug ayaa codkiisa ku biiriyay baaqyada loo jeedinayo dhinacyada isku haya Magaalada Guriceel, si looga baaqsado gacan ka hadal.

Suldaan Mahdi Suldaan Cabdirisaaq ayaa saaka Maamulka Galmudug iyo Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ugu baaqay inay ka gudbaan xiisadda u dhaxeyso, ee sida weyn u saameysay Magaalada Guriceel, il naxariis lehna lagu eeggo dadka ka barakacay magaaladaasi.

“Waxaan rabaa inaan codkayga ku biiriyo baaqyada laga soo saarayo xiisadda ka taagan Galmudug, gaar ahaan Guriceel. Marka koobaad haddii meeshaas dagaal ka dhaco oo colaadu dhacdo, oo meeshaa dhimasho, dhaawac iyo dhibaato kale ka dhacdo, Galmudug-ta maanta jirto ee Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha u yahay wax wanaag ah oo ugu jiro aan taariikh xumo, magac xumo iyo baal madow aan ahayn ma jirto.” Ayuu yiri Suldaan Mahdi Suldaan Cabdirisaaq.

Waxa kaloo uu yiri “Wadaadada laftooda ee soo duulay ee isa soo abaabulay, iyagoo og in meesha uu ka jiro maamul la doortay oo kow iyo toban beelood doorteen, ayagana wax taariikh xumo iyo magac xumo aan ahayn, ka faa’iidi maayaan, maxaa yeelay maamul jiro oo ogyihiin ayay rabaan inay la dagaalamaan, oo ay dumiyaan amaba dhibaateeyaan. Waxaa ka sii daran dadkii shacabka ahaa ee jeclaa ee culimada u yaqaanay, soona dhaweeyay ayaa maanta waxay daadsan yihiin magaalada afaafkeeda iyo geedaha hoostooda, oo qoraxda, dhaxanta, oonka iyo wax la’aantaba ay ku haysato.”

Isagoo hadalkiisa sii wato ayuu yiri “Haddii dareen yar jiro oo naxariis jirto, Sheekh Maxamed Shaakir iyo inta ku fekerka ah, dadkaas ayay saaka intay isugu yeeraan ay dhihi lahaayeen magaalada ku laabta, magaaladana way isaga taggi lahaayeen oo meel munaasiba ayay taggi lahaayeen. Haddii ay dood qabaana doodooda meeshaas ayay ka wadan lahaayeen, laakiin waxaa muuqata ayaguna inaysan umadda u naxariisanayn, inaysan deegaanka u tureynin iyo inaysan dan ka lahayn ummadaas dhibaateysan, ee wax jinni oo aanan anagu arkaynin ay doonayaan.”

Suldaan Mahdi Suldaan Cabdirisaaq ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka ka barakacay Magaalada Guriceel ee ku dar xumeysan duleedyadeeda, waxaana uu yiri “Waxaan rabaa dadka Muslimiinta ee Soomaaliyeed ee muxsiniinta ah inay wixii ay gaarsiin karaan gaarsiiyaan dadkaasi dhibaneyaasha ah ee u dhiban siyaasadaasi is diidan. Waxaan mar kale ku baaqayaa in dadkaasi la gaarsiiyo agabkii ay qoraxda iyo dhaxanta ka geli lahaayeen, in la gaarsiiyo gacan Muslimnimo iyo mid Soomaalinimo. Si gaar ah waxaan rabaa dadka ganacsatada ee Soomaaliyeed, sida Hormuud Foundation oo kale iyo shirkadaha lamidka ah inay gacan u fidiyaan dadkaasi. Qofkii hal bac iyo hal gogol u geeyaa dadkaasi, maanta way anfacaysaa.”

Suldaan Mahdi oo baaq u jeedinayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble ayaa yiri “Ugu dambayn, si gaar ah waxaan rabaa masuuliyiinta dalka ugu sareysa, sida Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu kaalintiisa ka qaato xal u helidda xiisadda ka taagan Galmudug, haddii ay noqoto dib-u-heshiisiintooda, wada hadalkooda, dagaal ka baajintooda iyo u gargaaridda shacabkaasiba, masuuliyadaasi isagana Ilaahay wax buu ka weydiin doonnaa. Waxaad mooddaa inuu ka aamusay waa-yahaan oo uu ka sii jeedo, arrintaas inuu u soo jeestana waan ka codsanaynaa.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com