Xubnaha Jubbaland uga harsan Aqalka Sare oo maanta lagu dooranayo Kismaayo

Jubbaland ayaa maanta lagu wadaa inay soo dhameystirto xubnaha uga harsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayay tahay inay maanta Magaalada Kismaayo ku doortaan afar kursi, oo ay ku tartamayaan illaa sideed musharax.

Jubbaland oo sideed xubnood ku leh Aqalka Sare ayaa afar ka mida waxaa la doortay 29-kii bishii July ee sanadkan, iyadoona ay Jubbaland noqonayso maamulkii ugu horeeyay ee qabta Doorashada Aqalka Sare.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa Magaalada Kismaayo lagu soo geba-gabeeyay diiwaangelinta sideedda musharax ee ku tartamaysa afartaasi kursi.

Shan ka mida musharaxiintaasi waa dumar, waxaana xusid mudan in laba kursi loo xiray haween oo keliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com