Dagaal xoogan oo ka soconaya afaafka hore ee Guriceel

Wararka ka imaanaya Magaalada Guriceel ayaa sheegaya in goor dhow uu dagaal xoogan ka qarxay magaaladaasi, ka dib markii Ciidamada Dowladda oo gacan ka helaya kuwa Galmuudg ay foodda is dareen Xoogaga Ahlu Sunna.

Dagaalka xoogiisa ayaa ka soconaya fariisimaha ay Xoogaga Ahlu Sunna ku leeyihiin afaafka hore ee magaalada, oo ay dhufeysyo kaga jiraan.

Dagaalka ayaa ah mid hubka noocyadiisa kala duwan la’isku adeegsanayo, iyadoona ay qayb ka yihiin gaadiidka dagaalka.

Xaaladda magaalada ayaa ah mid aad u kacsan, shacabkii magaalada ku noollaa ayaana horaan isaga barakacay, markii ciidamadu ku soo dhawaadeen magaaladaasi.

Warsame Maxamed Faarax oo ka mid ah dadka yar ee ku haray Guriceel ayaa sheegay in magaalada laga maqlayo daryanka sawaxanka ee hubka waaweyn.

Warsame Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in Xoogagii Ahlu Sunna ee ku sugnaa gudaha magaalada ay gaarayaan jiidda hore ee dagaalka.

Dagaalkan ayaa imaanaya, xilli labada dhinac looga digay dagaal aan natiijadiisa la sii saadaalin karin, isla-markaana galaafan kara nolosha dad badan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com