Dagaalka ka socdo Guriceel oo gudaha magaalada leesla soo galay

Dagaal xoogan ayaa haatan ka soconaya gudaha Magaalada Guriceel, ka dib markii labada dhinac ay gudaha isla soo galeen.

Dagaalka oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda oo garabsanaya kuwa Galmudug iyo Xoogaga Ahlu Sunna oo dhinaca kala ah ayaa saacadihii hore ee maanta ka socday duleedyada magaaladaasi, dagaalka ayaana iminka ka socdo aagga Saldhigga Booliska Guriceel.

Ciidamada Dowladda ayaa waxaa gaaray ciidan gurmad ah oo ka tagay Gobolka Hiiraan, isla-markaana uu hoggaaminayo Taliyaha Guutada 5aad, Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay)

Gurmadka gaaray Guriceel ayaa wa-xoogaa wax ka bedelay natiijada dagaalkii, tan iyo saakay cid wax horumar ka sameysay aanay jirin.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in dhinacyada uu dagaalku u dhaxeeyo, ay ka kala dagaalamayaan labada daraf ee Saldhigga Guriceel. Sidoo kale dagaalka ayaa ku fiday illaa suuqa hoose

Dagaalka ayaa gaysanaya khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo uu aad u kooban yahay khasaaraha rayidka, bacdamaa inta badan dadka deegaanka ay horaan isaga barakaceen magaalada.

La-soco wixii ku soo kordha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com