Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya, Amb. James Swan.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in James Swan ay ka wada hadleen heshiisiinta Madaxda Dowladda Federaalka, arrimaha doorashooyinka iyo weliba dadkii dhawaan laga musaafuriyay Magaalada Laascaanood.
Madaxweynaha ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal u qornaa “Waxaan maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka Xoghayaha guud Qaramada Midoobey ee arrimaha Somaliya, Ambassador James Swan. Waxaan Ka wada hadalnay arrimaha doorashayoonka, nabadaynta Madaxda Qaranka iyo Dadkii laga soo Musaafuriyey Magaalada Laascanood.”
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa Arbacadii iyo Khamiistii kulansiiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kulamadaas oo horseeday heshiiskii dhowrka qodob ka koobnaa ee habeenimadii Khamiista ka gaareen khilaafkooda.
Lafta-gareen ayaa dadaaladan u istaagay, ka dib markii Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu bishii September gacmaha ka taagtay inuu u kala dab qaado Madaxda Qaranka, sababo ku aaddan dhinacyada, oo aan wax tanaasul ahi ku muujin arrimihii ay isku hayeen.



Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com