Rooble oo la kulmay Safiirka Sacuudiga ee dalka Kenya

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowladda Sacuudiga ee dalka Kenya, Khalid bin Abdullah Al-Salman.

Safiirka ayaa Caasimadda Muqdisho soo gaarsiiyay deeq mucaawino, oo ka timid Xarunta Gargaarka ee Boqor Salman.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo kulankan looga hadlay ayaa u qornaa “Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Sacuudiga ee Kenya, Khaalid Cabdalla Al-Salman oo dalka soo gaarsiiyay deeq macaawino ah, oo ka timid Xarunta Gargaarka Boqor Salman.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Dowladda Sacuudiga iyo Boqor Salman uga mahadceliyay taageeradooda joogtada ah ee Somaliya.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com