Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Guriceel

Ciidamada Dowladda Somaliya iyo kuwa Galmudug ayaa la wareegay inta badan gacan ku haynta Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ka dib dagaal faraha looga gubtay, oo ay maanta kula galeen Xoogaga Ahlu Sunna.

Dagaalka oo saakay ka qarxay duleedyada koonfureed iyo waqooyi ee Guriceel ayaa saacado ka dib leesla soo galay gudaha magaalada, halkaas oo mar kale uu labada dhinac ku dhex maray dagaal la’isku jilbo dhigtay.

Ciidamada la wareegay magaalada ayaa ku sugan Saldhigga Booliska iyo Xarunta Degmada, waxa kaloo lagu arkayaa wadooyinka magaalada iyo xaafadahaba, waxaana xusid mudan in ciidamada ay la socdaan Gudoomiyihii Degmada, Faarax Cabdi Macalin iyo Taliyihii Saldhigga, Cismaan Cali Hudey.

Ciidamada Dowladda ayaa sidoo kale la wareegay ceel biyoodyada ku yaala magaalada, ee saacadihii la soo dhaafay ka dagaalamayeen dagaal-yahanada Ahlu Sunna, sida Ceel Cali Faarax, Ceel Abshir iyo ceelal kale oo motooro iyo haamo biyaha laga cabo leh.

Xoogagii Ahlu Sunna ee saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay ka arriminayay magaalada ayaa iyagu ku sugan agagaarka halka loo yaqaano Jaamacadda, halkaasoo ay ciidamada is hor fadhiyaan, waxaana mararka qaarkood aaggaasi laga maqlayaa rasaas aan badnayn.

Marka aad eegto baaxadda uu lahaa dagaalkaasi ayaa waxaa haddana adag in macluumaad sax ah laga helo inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha nafeed ee dagaalka ka dhashay. Ilo caafimaad ayaase sheegaya inaanay dhimashadu ka yarayn labaatan qof oo dhinacyadii dagaalamay u badan, dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay.

Sidoo kale dhaawacyo dhinacyadii dagaalamay u badan ayaa la gaarsiiyay goobaha caafimaadka ee Guriceel, waxa kaloo jira tiro dhaawacyo ah oo loo qaaday dhinaca Magaalada Dhuusamareeb.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in ay jiraan goobo ganacsi oo ku burburay hubkii cuslaa ee dagaalka leesku adeegsanayay. Inta laga warqabo gaari ay Ciidamada Dowladda leeyihiin ayaana dagaalka lagu gubay.

Guriceel waxay maanta u ahayd mid ka mida maalmihii ugu adkaa ee soo mara magaaladaaasi, soddonkii sano ee ugu dambeysay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com