Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Guriceel

Wararka ka imaanaya Magaalada Guriceel ayaa sheegaya in dadka yar ee magaalada ku haray qaybtood ay gudaha u galeen Saldhigga Booliska, xilli aysan jirin cid ka arriminayso.

Xoogagii Ahlu Sunna ee tan iyo 1-dii bishan ka arriminayay magaalada ayaa xoojiyay ciidamadooda ka dagaalamaya duleedyada magaaladaasi.

Muuqaalo laga soo qaaday Saldhigga Guriceel ayaa muujinaya dadweyne hortaagan afaafka hore ee saldhigaasi iyo kuwa kale oo gudaha ugu jira.

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ayaa iska caabin xoogan kala kulmaya Xoogaga Ahlu Sunna, iyadoona dagaalka xoogiisu uu ka socdo duleedyada koonfureed iyo waqooyi ee magaaladaasi.

Waxaa aad u adag in macluumaad laga helo khasaaraha uu gaysanayo dagaalkaasi, waxaase la’ogyahay in haweeney ku dhaawacantay hoobiye ku dul habsaday hoygii ay kaga sugneyd magaaladaasi.

Dagaalka ka socdo Guriceel ayaa lagu macneeyay mid hubinti la’aan ah, iyadoo aysan jirin cid sheegi karto xilliga uu soo idlaan doono.

Horaan waxaa guuldareystay dadaaladii laga dhex waday labada dhinac, si looga baaqsado dagaal aan natiijadiisa la sii saadaalin karin.

Image
Image
Image

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com