Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Magaalada Guriceel

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, taa oo maalmihii ugu dambeysay ay duleedkeeda waqooyi ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug.

Magaalada ayaa xalay laga dareemay xaalad kacsanaan ah, ka dib markii uu soo baxay warka sheegaya in Ciidamada Dowladda ay gudaha u galeen qaybo ka mida magaaladaasi.

Dadka deegaanka ayaa teleefanadooda gacanta ku wada xiriirayay, si ay wax isaga weydiiyaan waxa ka jira in ciidamadu gudaha u soo galeen magaalada, iyadoona aad ciriiri ka dareemi kartay isgaarsiinta magaalada.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ay weli ku sugan yihiin duleedka magaaladaasi.

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa si buuxdo gacanta ugu haya Magaalada Guriceel, iyadoo xoogagan lagu arkayo gudaha magaalada iyo bannaanadeedaba.

Waxa magaalada ka cusub ayaa ah in Xoogaga Ahlu Sunna ay qoryaha waaweyn la fuuleen dhismooyinka dhaadheer ee ceel biyoodyada ku yaala magaaladaasi, waana xilli xoogagaasi ay dhufeysyo kaga jiraan duleedyada Guriceel iyo gudaheedaba.

Ahlu Sunna ayaa u muuqato mid si weyn isugu diyaarisay difaacashada magaaladaaasi, oo 1-dii bishan ay bilaa dagaal ugala wareegtay Booliska Galmudug, kuwaa oo qaybtoodna isu dhiibay xoogagaasi.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya la wareegidda Guriceel inay ka horeyso, ciidamada oo marka hore ka gudba barraha Ahlu Sunna, haddii aysan Ahlu Sunna si iskeed ah uga bixin magaaladaasi.

Soo rogaalcelinta Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaa xiisad ka abuurtay Galmudug, xilli dalku uu ku jiro waqti doorasho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com