Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Magaalada Guriceel

Dagaal xoogan ayaa maalintii labaad ka dhacay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyadoo xaaladda magaaladana ay tahay mid hubin la’aan ah.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug oo xalay dibadda looga saaray magaalada ayaa saakay dib ugu soo laabtay, iyagoona iska caabin kala kulmay Xoogaga Ahlu Sunna.

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa saacado ka dib isugu tagay dhinac waqooyi ee magaalada, halkaasoo haatan la soo sheegayo inay ku sugan yihiin, magaaladana laga maqlayo rasaas teel teel ah.

Dagaalkii maanta ka dhacay magaalada oo xoogiisa madaafiic la isku adeegsaday ayaa saamayn ku yeeshay dhismooyinka magaalada qaarkood, iyadoona tiro madaafiic ah ay ku dhaceen Isbitaalka Istarliin, xilli bukaano ay jiifeen.

Inkastoo aan macluumaad rasmi ah laga hayn khasaaraha nafeed ee dagaalkan ugu dambeeyay uu gaystay ayaa waxaa haddana soo baxaya warar sheegaya inay ku dhinteen Saraakiil iyo askar labada dhinac ka kala tirsan.

Dadkii yaraa ee magaalada ku harsanaa ayaa ku barakacay dagaalka ka qarxay magaalada, oo xaaladeeduna ay tahay mid gebi dhacleynaysa.

Ma jirto wax wara oo ka soo kala baxay Galmudug iyo Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, oo ku aaddan dagaalka maalintii labaad ka socda Guriceel.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com