Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeeray Dekedda Magaalada Muqdisho, isagoo u kuurgalay habsami u socodka howlaha shaqo ee dekedda.
Ra’iisal Wasaaraha oo la kulmay Wasiirada Hay’adaha Dhaqaalaha Dalka iyo Masuuliyiinta Amniga Dekedda ayaa ka dhageystay warbixin ku saabsan horumarada dekedda iyo wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee ka howlgala dekedda, oo ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan dalka.
Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa kula dardaarmay hay’adahan in ay xoojiyaan wada shaqeynta dhexdooda ah, tayeynta iyo dardargelinta adeegyada dekedda, ayna dhowraan hufnaanta nidaamka dakhli ururinta.











Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com