Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Guriceel oo maalintii 3aad galay

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda oo garabsanaya kuwa Galmudug iyo Xoogaga Ahlu Sunna oo darafka kala ah ayaa dib uga qarxay goobihii uu xalay gabalka ugu dhacay.

Dagaalka waxa uu xoogiisu ka soconaya dhinaca waqooyi ee Magaalada Guriceel, gaar ahaan aagga Xarunta Jaamacadda, halkaas oo ay isugu taggeen Xoogaga Ahlu Sunna, shalay galabna uu labada dhinac ku dhex maray dagaal faraha looga gubtay.

Dagaalka haatan ka soconaya Magaalada Guriceel ayaa yimid, ka dib markii Ciidamada Dowladda ay isku dayeen inay isku ballaariyaan waqooyiga magaaladaasi.

Ciidamada Dowladda ayaa iska caabin xoogan kala kulmaya Xoogaga Ahlu Sunna, mar kasta oo ay damcaan inay hareereeyaan oo ay go’doomiyaan xoogagaasi.

Xaaladda Magaalada Guriceel ayaa gebi dhacleynaysa, marka aad eegto sida aan weli loogu kala bixin dagaalka ka soconaya magaalada.

Dhinacyada ayaa iska indha-tiraya waxyeelada muuqato ee ka soo gaaraysa dagaalkaasi, iyadoo Sabtidii iyo Axaddii ay kaga dhinteen Saraakiil iyo askar fara-badan oo labada dhinacba leh.

Ma jirto cid illaa iyo hadda kala dhex-gashay, marka laga soo taggo baaqyada la xiriira in ay colaadda joojiyaan. Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka deegaanka ayaa qaba in colaadaasi laga baaqsan karay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com