Xaalad adag oo ka soo korortay Magaalada Guriceel

Colaadda ka aloosan Magaalada Guriceel ayaa keentay inay meesha ka baxaan adeegyadii caafimaad ee ka jiray magaaladaasi, taa oo ay xaalad bani’aadanimo ka dhalatay.

Isbitaalka Guud ee Istarliin oo ahaa kii ugu dambeeyay ee ka hawlgelayay magaalada ayaa xirmay maalintii shalay, ka dib markii madaafiic ay ku dhaceen qaybaha ugu muhiimsan ee isbitaalkaasi.

Goobihii kale ee caafimaad ee ku yaalay magaalada ayaa albaabada loo laabay, ka dib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ay toddobaadyadii la soo dhaafay soo dul deggeen magaaladaasi.

Xarumahan caafimaad ayaa daryeel u fidinayay qoysaska ku barakacay duleedyada magaaladaasi oo la keeni jiray, bacdamaa aysan deegaanadaasi ku oolin goobo caafimaad. Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya inaysan jirin goob kale oo caafimaadeed oo lagula carari karo hooyada foosha ah, dhallaanka iyo waayeelka gargaarka caafimaadeed u baahan.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa la tuhunsan yahay inay si ula kac ah Axaddii u bartilmaameedsadeen Isbitaalka Istarliin, oo Sabtidii lagu dabiibayay Xoogaga Ahlu Sunna, kuwoodii ku dhaawacmay dagaalka.

Agaasimaha Isbitaalka Istarliin, Raxma Axmed Diiriye ayaa sheegtay inaanay meesha ka saari karin in si bareer ah loo beegsaday isbitaalkooda, waxay kaloo sheegtay inay garanayaan jihada ay kaga soo dhacayeen madaafiicdaasi, inkastoo aysan cidina ku eedeyn.

Tani ayaa loo fasirtay mid Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ku doonayaan inay ku ciqaabaan Xoogaga Ahlu Sunna ee kula dagaalamaya magaaladaasi.

Kumaandooska Danab ayaa galabnimadii shalay laba Sarkaal oo ka tirsanaa Ururka Ahlu Sunna kala baxay isbitaal ku yaala Koonfurta Gaalkacyo, ka dib markii ay ku dhaawacmeen dagaalka Guriceel, arrimo caafimaadna loo geeyay Magaalada Gaalkacyo.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in isla shalay ay Ciidamada Dowladda duleedka Guriceel ku qabteen gaari siday dhaawacyada qaar ka mida dagaal-yahanada Ahlu Sunna, isla-markaana aan la garanayn halka ay la taggeen.

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle, Dr. Maxamed Cabdi Waare ayaa walaac ka muujiyay xaaladda bani’aadanimo ee ka soo korortay Magaalada Guriceel.

“Sida xun ee loola dhaqmay dadka dhaawacmay iyo diidmada gargaarka caafimaadka ee Guriceel waa walaac weyn. Tani waxay xadgudub ku tahay sharciga bani’aadanimada iyo xeerarka caalamiga. Sidoo kale waxay xadgudub ku tahay qiyamkayna Soomaalinimo iyo Islaamnimo, marka la samaynayo isku dhaca hubeysan.” Ayuu yiri Waare oo warkan ku sheegay bartiisa Twitter-ka.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa la fahamsan yahay inay iyagu la socdaan kalkaaliye-yaal caafimaad oo la tacaalaya dhaawacyadooda, inta laga gaarsiinayo goobaha caafimaadka ee Magaalada Dhuusamareeb, ka dibna loogu kala duulinayo Muqdisho iyo Gaalkacyo.

Guriceel waxay xaaladeedu u muuqataa mid aan lagu kala bixin, dhinacyada ayaana weli ku loolamaya gacan ku haynteeda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com