Beesha Caalamka oo war ka soo saartay dagaalka lagu riiqmay ee Guriceel

Saaxiibada Caalamiga ee Somaliya ayaa caawa war ka soo saaray colaadda ka taagan Magaalada Guriceel ee u dhaxeysa Xoogaga Ahlu Sunna iyo Ciidamada Dowladda oo garabsanaya kuwa Galmudug.

Beesha Caalamka ayaa bayaan ku sheegtay colaadda Guriceel keliya inaanay sababeen xaalad bani’aadanimo, balse ay waddada ka leexineyso hannaanka geeddi-socodka ee doorashooyinka dalka iyo dagaalkii lagula jiray maleeshiyada Al Shabaab.

“Saaxiibada Caalamiga ee Somaliya ayaa ka walaacsan dagaalka ka socda Magaalada Guriceel ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Colaaddu ma aha oo keliya mid sababeysa dhibaato bani’aadanimo oo ku dhacda dadka deegaanka ee waxay sidoo kale tubta ka leexineysaa hortabinada deg-degga ah ee dhameystirka hannaanka doorashada iyo la dagaalanka Al Shabaab.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Beesha Caalamka ayaa labada dhinac ugu baaqday in ay dagaalka joojiyaan, isla-markaana ay wada hadal ku dhammeeyaan khilaafka u dhaxeeya.

“Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada dirirtu ka dhaxeyso inay si dhakhso leh u joojiyaan dagaalka, oo ay wada hadal ku dhammeeyaan khilaafkooda.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu yiri “Saaxiibada Caalamiga waxay diyaar u yihiin inay taageeraan dadaaladaas, haddii ay dhinacyadu codsadaan.”

Colaadda Guriceel ayaa waxaa ku dhintay konton qof oo dhinacyadii dagaalamay u badan oo Saraakiil ay ku jirto, waxaana ku barakacay in ka badan boqol kun oo qof.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com