Ciidamada Dowladda oo guluf aan buurnayn ka wada Guriceel

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa maanta guluf aan buurnayn ka wada goobaha ay Xoogaga Ahlu Sunna kaga sugan yihiin waqooyiga Magaalada Guriceel.

Ciidamada Dowladda ayaa gudaha ugu jira inta badan waqooyi Guriceel, oo maalmihii ugu dambeysay ay ka dagaalamayeen Xoogaga Ahlu Sunna, sida nawaaxiga Isbitaalka Istarliin iyo Tuulo Gaban, halka kuwa Ahlu Sunna ay ku sugan yihiin aagga Xarunta Jaamacadda, oo fariisinkooda ugu weyn ah.

Magaalada waxaa saacadihii ugu dambeeyay gaaray gurmad laga diray Magaalada Muqdisho, oo gelinkii dambe ee Isniintii ka degay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb, safar dhinaca dhulkana ku tagay magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in gudaha magaalada lagu arkay tiro meydad ah, isla-markaana ay adag tahay in la aaso, waana mid ka tarjumaysa sida magaaladu isugu bedeshay furin dagaal.

Sidoo kale madaafiicda xoogan ee dagaalka la isku adeegsaday saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ayaa burbur xoogan u gaystay dhismooyinka magaalada qaybtood.

Dadkii deganaa magaalada oo ku barakacay duleedyadeeda ayaa codsanaya in si deg-deg ahi loo joojiyo dagaalka, si ay dib ugu soo guryo noqdaan.

Waa dagaalkii xooganaa, uguna muddada dheeraa ee ka dhaca Magaalada Guriceel, soddonkii sano ee ugu dambeysay.

Xaaladda Guriceel ayaa maanta u muuqato mid wa-xoogaa xasilloon, marka loo eeggo dagaalada maalmihii la soo dhaafay ka dhacay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com