Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaalka, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo.

Wafdigan ayaa Magaalada Baydhabo u tagay u diyaargarowga iyo qaban-qaabada Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, kuwooda laga soo dooranayo Koonfur Galbeed.

“Ujeedada safarka ayaa daaran u gogol xaaridda iyo diyaarinta arrimaha farsamo ee Doorashada Golaha Shacabka oo dhawaan bilaaban doonta.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka.

Koonfur Galbeed ayaa isku diyaarinaysa inay qabato doorashada ugu horeyso ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com