Qaylo dhaanta ka soo yeeraysa duleedka Guriceel oo korodhay

Xaalad bani’aadanimo ayaa laga soo sheegaya inay ka jirto deegaanada ka baxsan Magaalada Guriceel, oo dad fara-badan ay ku barakaceen toddobaadyadii la soo dhaafay.

Dadkan isaga cararay colaadda Magaalada Guriceel ayaa la sheegay in xaalad adag ay ku wajahayaan duleedyada magaaladaasi, iyadoo aanay haysan hoy iyo adeeg caafimaad, toona.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Gargaarka Bani’aadanimada (OCHA) ayaa toddobaadkan sheegay in ka badan boqol kun oo qof (100,000) in ay ku barakaceen colaadda Guriceel.

Hay’adda OCHA ayaa qoraal ku sheegtay in dadkaas oo u badan haween iyo carruur ay gabaad ka raadsadeen deegaanada ku dhow dhow magaaladaasi.

“Xaaladda waxay ku khasabtay in ka badan 100,000 oo qof, oo badankoodu yihiin haween iyo carruur in ay ka barakacaan guryahoodii, isla-markaana ay gabaad ka raadsadaan tuulooyinka u dhow dhow, kuwaa oo ay saameysay xaaladda abaaraha iyo biyo la’aan halkaasi ka jirta.”

Dagaalka Guriceel ayaa horseeday inay xirmaan goobihii caafimaadka ee ku yaalay magaalada, waana xilli duleedyada magaaladaasi aanay ka jirin goobo kaloo caafimaad. Isbitaalka Guud ee Istarliin oo ahaa kii ugu dambeeyay ee ka hawlgelayay magaalada ayaa xirmay Axaddii, ka dib markii madaafiic ay ku dhaceen qaybaha ugu muhiimsan ee isbitaalkaasi. Tani ayaa xoojisay xaaladdii bani’aadanimo ee markii horeba ka jirtay deegaanka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com