Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa gelinkii dambe ee maanta kormeeray Xarunta Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ee Magaalada Muqdisho.
Ra’iisal Wasaaraha oo uu wehliyo Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa warbixin ka dhageystay Agaasimaha KMG ee Hay’adda NISA, Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Farey).
Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa masuuliyiinta hay’adda iyo howlwadeenadaba ku dhiirigeliyay shaqada ay u hayaan qaranka, isagoona kula dardaarmay in ay dardargeliyaan waajibaadka loo igmaday.
Kormeerka Rooble ee Taliska NISA ayaa imaanaya, maalmo ka dib, markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ka heshiiyeen khilaafkoodii soo ifbaxay bishii September.






Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com