Hormuud oo raashiin gaarsiisay qoysaskii ka barakacay Guriceel

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo ka jawaabeysa baahida dadka ka barakacay dagaaladii saddexda maalin ka socday Magaalada Guriceel ayaa galabta gaarsisay deeq raashiin oo isugu jirta bur iyo bariis, waxaana deegaanada la gaarsiiyay ka mid ah Fooleey, Saalax Dhadhaab, Daahir Fite, Ceelbaraf, Baraagta Tikaato, Godka Sheedeey, Baraagta Daameey iyo Xaarxaar.

Deegaanada deeqdan la gaarsiiyay ayaa hoos-tagga Magaalada Guriceel, oo ay ku qaxeen dadkii ka cararay colaadda magaalada.

Qoysaska ka faa’iideystay deeqdaan raashinka ah ayaa uga mahadceliyay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation garab istaagga ay u muujisay, waxayna sheegeen in gurmadkeeda uu soo gaaray, xilli ay baahi badan u qabeen.

Masuuliyiin ka socday Shirkadda Hormuud Telecom ayaa sheegay in ay mar walba garab taagan yihiin dadkan uu saameeyay dagaalka, bacdamaa lagu khasbay in ay guryahoodu ka barakacaan.

Ugu dambayn Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Amniga ee Degmada Guriceel, Cabdishakuur Axmed Faarax (Indhaceel) ayaa sidoo kale Hormuud Salaam Foundation uga mahadceliyay, sida ay ugu soo gurmatay qoysaskaasi, isagoona ganacsatada kale ugu baaqay inay ka qayb qaataan gurmadka loo fidinayo dadkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com