Lafta-gareen oo maanta gaaray Garoonka Balli-doogle (SAWIRRO)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Madaxweynaha ayaa Garoonka Ballidoogle tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, oo muddooyinkii ugu dambeysay uu tababar uga socday garoonkaasi.

Ciidamadan oo rag iyo dumarba leh ayaa laga soo kala xulay Degmada Wanlaweyn iyo nawaaxigeeda, si ay u daboolaan baahida amni ee deegaanka ka jirta.

Madaxweynaha oo ciidamada la dardarmayay ayaa yiri “Degmadii aad u dhalateen oo aad joogteen baa ciidan u tihiin, masuuliyadda, tababar iyo ciidanimada la idin soo mariyay baahida ay u qabto deegaankan waad ogtihiin.”

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaa la idinka rabaa baahida iyada ahayd inaad gudataan, dalkiina, dadkiina, dowladiina iyo diintiinaba aad difaacdaan.”

Waxa kaloo uu yiri “Sida aad la socotaan reer Wanlaweyn fursadda aad hesheen magaalooyinka kale ee Gobolka Shabellaha Hoose ma helin. Waxaad hesheen dugsi tababar, ciidan idin tababarayo, idin garab taagan oo idinla shaqeynayo, intii aad masuuliyadiina kala wareegeysaan.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com