Sacuudiga iyo Emirate-ka Carabta ayaa Arbacadii u yeeray safiirada Lubnaan u joogga dalalkaasi, ka dib hadal uu Wasiirka Warfaafinta dalkaas George Kordahi ku cambaareeyay hawlgalka militari ee Riyadh ay hogaamineyso ee ka dhanka ah mucaaradka Yemen.

Kordahi ayaa wareysi uu bixiyay Isniintii ku sheegay in Xuutiyiinta ay Iran taageerto ay naftooda ka difaacayaan gardarro uga timid dibadda, isaga oo intaas ku daray in ay xulufada Sacuudiga ay duqeeyaan guryo, xaafado, tacsiyo iyo xaflado aroos.
Waxa uu sidoo kale dagaalka Yemen ee socda toddobada sano ugu yeeray macno darro, isagoona sheegay in la jooggo waqtigii la dhammeen lahaa.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay Safiirka Lubnaan u dhiibtay qoraal ay uga ashtakooneyso hadalada ‘gefka’ ah ee Kordahi.
Waxa ay sidoo kale inay ka xun tahay muujisay hadalada aflagaadada ah, ayada oo sheegtay inay ahaayeen kuwa si cad ugu janjeera dhanka kooxda argagixisada ah ee Xuutiyiinta ee halista ku ah xasilloonida iyo amniga gobolka.
Wax yar ka dib ayaa Emirate-ka Carabta oo xubin ka ah isbaheysiga Sacuudiga ee Yemen waxay cambaareysay hadalka Kordahi, ayada oo sheegtay inay u yeertay Safiirka Lubnaan.
“Hadalada Kordahi ee ceebta ah dhinacana u janjeera waxay u gefeen dalalka xubnaha ka ah isbaheysiga.” Ayaa lagu yiri bayaan ay sii baahisay Wakaaladda Wararka dalkaasi ee WAM.
Dowladda Lubnaan ayaa Talaadadii sheegtay in hadalada Kordahi ee la diiday, oo aysan ka tarjumeyn mowqifka dowladda, ayada oo intaas ku dartay in wareysiga su’aashu ay ka taagan tahay la qaaday ka hor inta aan Kordahi loo magacaabin xilkaasi, bishii September.
AFP
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com