Madaxweyne Lafta-gareen oo gaaray Magaalada Xudur

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Xudur, iyadoo markii dambena loo gelbiyay halkii loogu talagalay inay ka deggaan magaalada, muddada ay ku sugan yihiin.

Ma cadda waxa haatan uu Madaxweynuhu u tagay magaaladaasi, waxayse ku soo aadaysaa, xilli wax ka fulay aanu jirin ballanqaadkiisiii bishii January, ee ahaa in sida ugu dhakhsiyaha badan loo furi doono wadooyinka soo gala magaalada, oo ay go’doomiyeen maleeshiyada Al Shabaab.

Magaalada waxaa ka jira sicir barar ka dhashay go’doominta ay ku hayaan Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Shabaabka ayaa horaan gaadiid ganacsi ku gubay wadooyinka soo gala magaaladaasi, ka dib markii milkiileyaasha iyo darawalada gaadiidkaasi ay ku eedeeyeen inay jebiyeen awaamiirtoodii ahayd inaanan wax raashiin iyo shidaal, toona la gayn karin magaaladaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com