Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo caawa ku hooyanaya Magaalada Guriceel ayaa la kulmay Maamulka Degmada iyo qaybaha bulshada.
Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka, ganacsatada, haweenka iyo dhallinyarada deegaanka, kuwaa oo saacadihii ugu dambeeyay dib ugu laabtay magaalada.
Madaxweynaha ayaa dadka reer Guriceel kala hadlay xaaladda guud iyo midda amniga, ka dib dagaaladii saddexda cisho ka socday magaaladaasi iyo ka bixintaankii Xoogaga Ahlu Sunna.
Madaxweynaha ayaa ka qaybgalayaasha ka dhageystay talooyin ay ka siiyeen, sida magaalada kaga gudbi karo marlxaadda ka jirta, isagoona kaga mahadceliyay garab istaagga ay u muujiyeen geeddi-socodka nabadda, dowladnimada iyo wadajirka dadka reer Galmudug.
Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray Magaalada Guriceel, maalin ka dib markii ay magaaladaasi baneeyeen Xoogagii Ahlu Sunna ee 1-dii bishan la wareegay.























Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com