Saxafiyiin badan oo lagu xir xiray Magaalada Baydhabo

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta magaalada lagu xiray toddobo Saxafi oo ka mida Saxafiyiinta ka hawlgasha magaaladaasi.

Saxafiyiintan ayaa laga soo kala qabqabtay Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud iyo xarumo warbaahineed oo gaar loo leeyahay, xilli maanta uu magaaladaasi dib ugu laabanayay Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Xasan.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo muddooyinkii ugu dambeysay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa Baydhabo u tagay, si uu ugu ololeeyo musharaxnimadiisa Golaha Shacabka.

Agaasimaha Radio Warsan, Hilaal Sheekh Shuceyb ayaa sheegay in shan ka mida Saxafiyiintaasi ay ka tirsaneed Idaacadda Warsan, sida uu yiri.

“Wariye-yaasha Warsan ka xiran waxaa weeye illaa shan Wariye iyo Wariye-yaal kale oo idaacadaha kale ee Baydhabo u shaqeeyo, intaba way xiran yihiin.” Ayuu yiri Agaasimaha.

Sababta loo xiray ayuu ku sheegay “Shalay waxaa nalagu soo wargeliyay berri oo maanta ah inuu imaan doono Shariif Xasan, Wariye-yaasha inay ka soo qaybgalaan ayaa nalagu soo wargeliyay, sidaasi daraadeed Wariye-yaasha saakay waxay aadeen Garoonka Diyaaradaha, si ay soo dhaweynta ugu soo tebiyaan idaacadda. Mar dambe ayaan ka war helnay in Wariye-yaashii la xir xiray.”

Maamulka Koonfur Galbeed ayaan weli ka hadlin xariga Saxafiyiintaasi, inkastoo ay socdaan dadaalo lagu sii deynayo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com