Socdaalka Madaxweynaha Galmudug ee Guriceel (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, maalin ka dib markii ay isaga baxeen Xoogaga Ahlu Sunna.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ka ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa safar dhinaca dhulka ah ku tagay magaaladaasi.

Maamulka Degmada, xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowlad Goboleedka Galmudug iyo xubno kale ayaa wafdiga Madaxweynaha ku soo dhaweeyay duleedka magaalada.

Dagaalada saddexda maalmood ka socday Guriceel ayaa galaaftay nolosha dad badan oo dhinacyadii dagaalamay u badan, kuwaa oo Saraakiil ay ku jiraan.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo gacan siinaya kuwa Galmudug ayaa weeraray magaaladaaasi, ka dib markii 1-dii bishan ay bilaa dagaal kula wareegeen Xoogaga Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe.

Qiyaastii boqol iyo konton kun oo qof ayaa ku barakacay colaadda Guriceel, hubkii dagaalka la’isku adeegsaday ayaana burbur xoogan u gaystay dhismooyinkii magaalada.

Inkastoo magaalada ay ka muuqanayaan raadadkii uu dagaalku ka tagay, haddana dadkii ka barakacay, qaybtood ayaa dib ugu guryo noqday magaaladaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com