Xaaladda Guriceel oo mid caadiya ku soo laabanayso

Xaaladda Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa maalintii labaad degan, ka dib markii Xoogagii Ahlu Sunna ay isaga baxeen magaaladaasi.

Ka bixistooda waxay ka dambeysay, ka dib waan-waan saacado badan socotay oo loogu kala dab qaadayay Maamulka Galmudug iyo Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe.

Qiyaastii boqol iyo konton kun oo qof oo ku barakacay colaadda magaalada ayaa qaar yar oo ka mida ay haatan dib ugu soo guryo noqdeen magaalada.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in xaaladda magaalada ay mid caadiya ku soo laabanayso, dadkuna ay bilaabeen inay guryahoodu ku soo laabtaan.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Galmudug, Cabdullaahi Axmed Calasow (Shiine) ayaa sheegay inay diyaareen laba koox oo ka shaqeynaysa dib u soo celinta dadkaasi.

Magaalada waxaa ka muuqanaya saamaynta ay reebeen dagaaladii saddexda cisho ka socday, burbur xoogan ayaana ka muuqanaya dhismooyinka qaybtood.

Arbacadii waxaa suurtagashay in la aaso meydadkii yaalay wadooyinka magaalada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com