Shariif Xasan oo hoygiisa ku qaabilay Saxafiyiintii lagu xiray Baydhabo

Shariif Xasan Sheekh Xasan, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ayaa xalay hoygiisa Magaalada Baydhabo ku qaabilay toddobo Saxafi, oo Khamiistii shalay lagu xiray magaaladaasi.

Xarigga Wariye-yaasha ayaa yimid, xilli ay doonayeen inay soo tebiyaan soo dhaweyntii Shariif Xasan Sheekh Aadan loogu sameynayay Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ee Magaalada Baydhabo.

Wariye-yaashan ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii laga sii daayay xabsiga, sida uu Universaltv u xaqiijiyay Wariye Maxamed Deeq Serjito, oo ka mid ahaa Saxafiyiintaasi.

“10:00 barqanimo ayuu Garoonka Diyaaradaha naga kaxeeyay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Baay, Korneyl Amiin Maxamed Daruur, wuxuuna noo sheegay inaan xarig nahay.” Ayuu yiri Wariye Serjito oo intaa ku daray “Maqribkii ayuu nagu yiri fasaxaa tihiin, anagoo toddobo Wariye ah ayaan weydiiyay inuu noo sheego sababta nalagu soo xiray. Wax sabab ah nooma sheegin, sidii ayaa guryahayna ku kala aadnay.”

Shariif Xasan ayaa hoyga uu ka degan yahay Magaalada Baydhabo ugu yeeray Wariye-yaashaas, isaga oo u sheegay inuu ka xun yahay xarigooda.

“Saxafiyiintaynii waxaa inoo yeeray Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Xasan oo noo muujiyay sida uu kaga xun yahay xarigga naloo gaystay, anagoo shaqadayna ku guda jirno.” Ayuu yiri Serjito.

Shariif Xasan oo horey u soo noqday Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa haatan ah musharax u taagan xubinimada Golaha Shacabka, waana xilli Koonfur Galbeed isku diyaarinayso inay qabato Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xarigga Saxafiyiintan ayaa imaanaya, iyadoo Koonfur Galbeed ay horaan ballanqaaday in Doorashooyinka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka noqon doonaan kuwo daahfuran, xor iyo xalaal ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com