Odayaasha Guriceel oo dalbaday in la soo afjaro Xoogaga Ahlu Sunna

Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabdi Jaamac Maxamed (Cigaal) iyo Taliyaha Guutada 15aad ee Qaybta 21aad, General Mascuud Maxamed Warsame ayaa Jimcihii la kulmay Odayaasha iyo Waxagaradka ee Magaalada Guriceel, iyagoona kala hadlay xaaladda magaalada iyo hawlgalada ay ciidamadu ka wadaan deegaanka.

Odayaasha Dhaqanka ayaa Taliska Qaybta 21aad ku wareejiyay toban neef oo geela iyo raashiin, xilli Khamiistii ay sidaan oo kale ugu wareejiyeen sagaal neef oo geel ah.

Odayaasha Dhaqanka ayaa sheegay in dadka deegaanku ay taageersan yihiin Ciidamada Qalabka Sida, ee dagaalka kula jira Xoogaga Ahlu Sunna.

Odayaashu waxay Ciidanka Xoogga Dalka ka dalbadeen inay soo afjaraan jooggitaanka xoogagaasi ee Gobolada Dhexe.

Faarax Cabdi Macalin (Anas), Gudoomiyaha Degmada Guriceel ayaa sheegay in dadka reer Guriceel ay sii wadi doonaan taageeradooda ku aaddan ciidamada.

Taliyaha Qaybta 21aad ayaa reer Guriceel kaga mahadceliyay taageerada ay la garab taagan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudugba.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage oo tan iyo 12-kii bishan ku sugnaa Galmudug.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com