Agaasimihii Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda, Koofi oo xilka laga qaaday

Golaha Wasiirada Somaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda oo loo magacaabay Cabdulqaadir Cilmi Cali.

Cabdulqaadir Cilmi Cali ayaa bedelaya Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).

Golaha Wasiirada ayaa Agaasimihii hore ee Laanta Socdaalka kaga mahadceliyay howshii uu soo qabtay, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com