Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo ka horyimid mid ka mida habraacyadii Guddiga Doorashooyinka G/waqooyi

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa ka digay in lagu qabsado shaqadooda, ka dib markii Guddiga Doorashooyinka Gobolada Waqooyi ay sheegeen in wixii khilaafaad ah ay Guddiga Xulista Ergooyinka Beeluhu xalin kari waayaan ay iyagu xalin doonaan, go’aan kama dambeys-na ay ka gaari doonaan Guddoonka Sare ee Doorashooyinka Gobolada Waqooyi.

Qodobkan ayaa ka mid ahaa habraacyadii ay soo saareen Guddiga Doorashooyinka Gobolada Waqooyi, ee ahaa inay ku hawlgeli doonaan Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, oo laba ka mida kuraastooda lagu wado in lagu doorto Magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed ay soo saareen Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa u qornaa:-

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com