Lafta-gareen oo ka laabtay Xudur, xilli ujeedkii uu u tagay aanu waxba ka fulin

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo tan iyo Khamiistii ku sugnaa Magaalada Xudur ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Xudur u tagay, sidii dib loogu furi lahaa wadooyinka magaaladaasi, oo ay go’doomiyeen maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha oo gelinkii dambe ee Sabtidii magaaladaasi kula kulmay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Qaybta 60aad ayaa faray in la dardargeliyo hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la furo Wadooyinka Degmooyinka Gobolka Bakool, ee ay go’doonka geliyeen Shabaabka, si ay shacabka u helaan amni iyo nolol ka wanaagsan mida hadda ay ku nool yihiin.

Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool oo kale ayaa dhowrkii sano ee ugu dambeysay ku jirtay xaalad go’aan ah.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa bishii January Magaalada Xudur u tagay, sidii loo furi lahaa wadooyinkeeda go’doonsan, taasoo wax ka hirgalay aanu jirin.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com